Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya madaxweyne Farmaajo ayaa khadka Taleefonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu xusay in labada madaxweyne ay ka wada-hadleen hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.
“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaanna xilligaan lagu jiro la tacaalidda cudurka Coronavirus.
PUNTLAND POST