Gaadiid wada dad ka soo xagaa baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka oo Arbaco ah ku xanniban nawaaxiga kantaroolka Koonfureed ee Boosaaso kadib markii ay go’day buundo halkaasi ku taallay.
Buundada ayaa go’day kadib markii daadad xooggan oo ka dhashay roobabka gu’ga ay ku soo rogmadeen degaanka islamarkaana buux dhaafiyeen togga ay saarantahay buundadaas go’day sida ay Puntland Post u sheegeen dad halkaasi ku xayiran.
Gaadiidka ayaa haatan labada dhinac kaga xanniban buundada go’an waxaana jirta in gaadiidka u badan ay ku xanniban yihiin dhinac Boosaaso xigta kuwaas oo ay saaran yihiin dad ka soo xagaa baxay gudaha Boosaaso.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.