Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta xanuunka COVID-19.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ganacsatada ay ku dadaalaan in aan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada daruuriga u ah nolosha nolosha bulshda iyo in ay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo.
Wasiir Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga si aysan dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa go’aannada lagu xakameynayo COVID-19.
PUNTLAND POST