DFS oo Wariye ku xiran Muqdisho ku eedeysay A-shabaab

Abuuja, wuxuu ahaa Tifaftirihii Idaacada Hiigsi ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja oo muudo bil ka badan ku xirnaa magaalada Muqdisho loo haysto ka mid ahaanshaha kooxda Al-shabaab.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laamaha amaanka dalka ay sheegeen in Maxamed Cabdiwahaab Abuuja loo haysto ka mid ahaanshaha kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Abuuja loo haysto in uu qeyb ka ahaa dil 06/03/2019 degmada Boondheere loogu geystay marxuumad Baxsaneey Booleey.

Wasaaradda Warfaafinta waxay sheegtay in hay’adaha amniga ay Wariye Abuuja gal-dacwadeedkiisa u gudbiyeen hay’adaha garsoorka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay bahda saxaafadda iyo dadka u ololeeya xorriyada hadalka ay dowladda Federaalka ah ka codsanayeen in xoriyadiisa la siiyo Wariye Abuuja.

PUNTLAND POST