Bandowgii Muqdisho oo wax laga beddelay, Ramadaanka awgiis

Gen. Xajaar Taliyaha Booliska Soomaaliya

Dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore, uuna bilaaban doono 7:00 Fiidnimo, kuna ekaan doono 5:00 Arroornimo.

Dowladdu waxay fartay milkiilayaasha Makhaayadaha inay makhaayadaha furaan 5:00 Galabnimo, adeeggoodana u baddelaan Qaado oo Soco (Take Away), ayna xiraan 7:00 Fiidnimo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar),oo warbaahinta la wadaagay amarrada kasoo baxay dowladda ee qaybta ka ah xakameynta faafitaanka COVID-19, ayaa gaadiidka dadweynaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay faray inay yareeyaan dadka ay markiiba qaadaan oo ku ekeeyaan kala bar tirada dadkii markii hore ay qaadi jireen, dakana kala fogeeyaan.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay in xilliyada oo dhan la fariisto makhyaayadaha iyo goobaha kale ee la isugu yimaado. Dhammaan ammarradii hore ee ku xeernaa bandowga waa sidoodii marka laga reebo wax ka bedelka lagu sameeyay waqtiga uu billaabmayo.

Gen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee sida haboon ugu hoggaansamay dhaqan gelinta bandawga iyo dhammaan amarradii ku xeernaa iyo ciidamada amniga ee iyaguna sidii ay ahaayeen u fuliyay amarradii dowladdu siisay.

PUNTLAND POST