Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Shir la qaatay hay’adaha Taageera Bahda Cadaaladda dalka

Wasiirka Cadaaladda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta  shir ku saabsan  hogaaminta iyo ansixinta mashaariicda Cadaaladda ee dalka, waxa uu la qaatay Hay’adaha Bahda Cadaaladda Federaal-ka iyo dhinaca kale Deeqbixiyeyaasha taageera Bahda Cadaaladda Soomaaliya iyo Saaxiibada la shaqeeya ee isugu jira Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo caalami ah.

Shirka oo ka qabsoomay Khadka Video-ga ee Internet-ka, waxaa wada-shirgudoominayey Wasiirka Cadaaladda Abukaato Xasan Xuseen Xaaji iyo madaxda UNDP-Soomaaliya iyo UNSOM madaxa qeybta Cadaaladda iyo Amniga.

Waxaa shirka goob joog ahaa deeq bixiye yaasha sida Netherland, Midowga yurub iyo Sweden

Waxaan lagu anisixiyey howl qorsheyntii 2020 oo dib u eegis iyo wax ku dar lagu sameeyey.

Sidoo kale, waxaa lagu anisixiyey in mashruuca waqtigiisa ku egyahay 2020 laagaarsiiyo 2021 si hakad uusan ugu iman adeegga cadaalladda ee loo hayo dadka.

PUNTLAND POST