Tiradii u badnayd oo maanta u geeriyootay Corona

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradii ugu badnayd oo dad ah ay maanta oo Tallaado ah u geeriyoodeen xanuunka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in 6 qof ay maanta gudaha dalka ugu geeriyoodeen xanuunka Coronavirus.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliy ayaa sheegtay in ay soo kordheen 49 kiis oo cusub oo Coronavirus ah, kuwaas oo dalka laga helay saacadihi ugu dambeeyay, halka ay ka bogsadeen 2 qof .

Dowladda Soomaaliya ma sheegin halka ay dalka kaga sugan yihiin dad u geeriyooday iyo kuwa cusub ee ku dhacay xanuunka Coronavirus.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa noqonaysa 286 qof, halka dhimashadu ay gaareyso 13 ruux, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Coronavirus ee laga helayo gudahah dalka.

PUNTLAND POST