
Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar, ayaa Maanta warbaahinta u soo bandhigay, Gaari nooca Xamuulka ah oo ay ka soo furteen dableey hubaysan, kuwaas oo xalay ku dhacay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Qardho.
Taliska ayaa sheegay, in saddex nin oo hubaysan ay Gaarigaas xalay ka dhaceen meel u dhexaysa magaalada Qardho iyo Tuulada Yakka ee Gobolka Karkaar, islamarkaan ay ula baxsadeen dhinaca Degmada Taleex ee Gobolka Sool, balse uu kaga xumaaday halka lagu magacaabo Dhaxan oo ka tirsan Sool.
Saraakiisha Booliiska Gobolka Karkaar, waxay sheegeen in ay xoog ku soo furteen Gaarigaas Xamuulka ah iyo Alaabtii saarnayd, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen saddexdii nine ee Gaariga af-duubtay, kuwaas oo jeelka loo dhaadhiciyay.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliiska Gobolka Karkaar, oo u hawlgalay in ay soo bad-baadiyaan Gaarigaas Xamuulka ah iyo dhammaan ALaabtii saarnayd.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.