Puntland oo beenisay in ay xayiraad saartay Ganacsiga u gudba Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Guddiga Puntland u qaabilsan Ka hortagga iyo Ka jawaabidda xanuunka COVID-19 ayaa qoraal uu Caawa soo saaray ku sheegay in aysan jirin wax xayiraad ah oo Puntland ku soo rogtay Ganacsiga isaga goosha gobollada Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Guddiga ayaa xaqiijiyay in Puntland aysan wax xannibaad ah saarin Ganacsiga isaga gudba dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo xataa dalalka jaarka ah ee Kenya iyo Itoobiya.

Qoraalka guddiga ayaa lagu xusay in Puntland ay sii fududaysay isu socodka Ganacsiga dhammaan gobollada dalka si dadka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo Raashinka daruuriga ah ee ay u baahan yihiin maadaama lagu jiro xaaladda ka dhalatay COVID-19.

Hadalka guddiga ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan uu sheegay in Puntland xayiraad saartay Raashinka ka soo degay dekedda Boosaaso ee loo rari jiray Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST