Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay olole degmooyinka gobolka looga buufinayo xanuunka COVID-19 oo kiisas badan laga helay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19.
Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.
Barnaamijkaas ayaa la doonayaa in laga sameeyo degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir si loogu xakameeyo faafidda cudurka Coronavirus.
PUNTLAND POST