
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa si adag uga jawaabay codsi uu dhowaan madaxweyne deni u diray ganacsatada Puntland oo la xiriiray in aysan wax Raashin ah u rarin meel ka baxsan Puntland si loo beekhaamiyo Raashinka yaalla gudaha Puntland.
Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Deni uu saamayn xooggan ku yeeshay gobolka Hiiraan maadaama dadka ku nool Hiiraan noloshoodu ay ku tiirsantahay Raashinka laga keeno dekedda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Mudane Jeyte ayaa ku hanjabay in haddii aysan Puntland ka laaban go’aankaas ay dadka Reer Hiiraan ganacsigooda la aadi doonaan dekedaha kale ee Soomaaliya islamarkaana ay joojin doonaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntland
Isagoo hadalkiis sii wata ayuu sidoo kale sheegay in ay canshuur xad-dhaaf ah ku soo rogayaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntland si ay u joogsato khudaartaas.
Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.