Bukaannada laga helay xanuunka COVID-19 ee Muqdisho oo kordhay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in bukaanno horleh oo ku sugan magaalada Muqdisho laga helay xanuunka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shalay oo keliya magaalada Muqdisho laga helay 29 ruux oo qaba xanuunka kuwaas oo  21 kamid ay yihiin Rag halka 8 qof kalena yihiin Dumar.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu xusay in mid kamid ah dadkii horey looga helay Cudurka uu bogsaday isla markaana dadka Cusub ee laga helay Cudurka la geeyay Xarunta karantiilka.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya ayaa gaartay 164 Qof, waxaana xusid mudan in Puntland ay xalay shaacisay kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19.

PUNTLAND POST