Xaaladdii ugu horreysay ee Coronavirus oo laga helay Garowe

Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ayaa haatan shaaciyay in kiiskii ugu horreeyay xanuunka Coronavirus laga helay Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay bukaanka lagu xaqiijiyay in uu haleelay cudurka Coronavirus, kadib markii maanta ay soo baxday natiijada baaritaankaas.

Inkasta oo Guddiga uusan shaacacin meesha uu qofkaasi ku sugan yahay, ayaa hadana ilo xog ogaal ah oo dhanka caafimaadka ah warbaahinta Puntland Post u xajiijiyeen in uu ku sugan yahay magaalada Garowe caasimada Puntland.

Qofka Puntland laga helay Covid-19 oo da’diisa tahay 33 sano jir lab ah, ayaa la sheegay in bilihii u dambeeyey uusan safrin oo ku sugnaa gudaha dalka.

Sidoo kale Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga COVID-19 ayaa sheegay in maanta la karantiilay 5 qof oo hor leh oo looga shakiyey cudurkaas.

Gudaha Puntlad ayaan lagu baarin Covid-19, iyadoo dhawaan Wasiirka Caafimaadka Puntland uu shaaciyey in dowladda Imaaraadka ay Puntland ugu deeqday shaybaarka cudurkaas lagu baaro.

Dhacaanada dadka looga shakiyo cudurkan ayaa loo diraa magaalada Muqdisho oo yaallo shaybaarka Covid-19.

PUNTLAND POST