Talo ku socota guddiga la dagaalanka xanuunka COVID-19 ee Puntland

Mohamed Ahmed Elmi

Mudanayaal, aniga oo og inaad u taagantihiin sidii shacabkeenna aad uga badbaadin lahaydeen masiibada ka soo fool leh xanuunka COVID19, hubana in aad qaaddeen tillaabooyin ay ka muuqato masuuliyad iyo u diirnixid shacab, haddana waxaan jeclaystay inaan dadaalkiina ku kabo talooyiin ay iila muuqatay inay wax ku ool yihiin.

Mudanayaal, waxa aad ogtihiin in dawladaha caalamka koobaad ee uu xanuunkaani ku habsaday, aanu illaa imminka xanuunku si isku mida u saamayn. Waxaa jira kuwo si mug leh u maareeyey xanuunka, kuwo meel dhexe jooga iyo kuwo ku fashilmay wax ka qabashadiisa.

Dawladahaani waxa ay ka simanyihiin in dhammaantood ay yihiin kuwo qaniya, ay leeyihiin daryeel caafimaad oo heer sare ah, haystaanna technologiyad u sahalaysa xakamaynta xanuunka.

Mudanayaal, waxa kaliya ee ay dawladahaani ku kala duwanyihiin, natiijada u soobaxayna kala gaddisay ayaa ah, sida ay u kala hor baraarugeen, u kala hor diyaargaroobeen, go’aamadana u kala hor qaateen. Sidaas daraadeed ayaa dalalka fakhriga ahna natiijadoodu ku xirnaan doonan sida ay tillaabooyinkaan u kala hor qaadaan. Mudanayaal, waxaan idinku bogaadinayaa tillaabooyinka hordhaca ah ee aad horay u qaadeen.

Mudanayaal, inkasta oo aynu sabool nahay awooddeenu na koobantahay, haddana tillaabo walba oo aynu horay u qaadnaayi waxa ay xakamaynaysaa fidista xanuunka. Sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu qaadno tillaabooyin dheeraada oo wax inoo badbaadin kara, kharash badanna aan inoogu kacayn. Tillaabooyinkaas waxaa ka mida kuwaan hoos ku xusan.

Kow, mudanayaal, cid walba oo xanuunkaan dagaal kula jirtaa waxa ay leedahay qorshe u daggan oo ay xanuunka kula tacaasho. Sidaas daraadeed waa muhiim in aynu innagu na qorshe leenahay.

Waxaa jira dhawr qaab oo xanuunka lagula tacaalayo oo ay dawladaha caalamku dawlad waliba ay mid qaadatay. Qorshaha ugu wayn ee inta badan dawladaha caalumku ay qaateen na waa kii China ee Lockdawn-ka dadka oo la xanibo. Qorshaani waa adagtahay in uu innaga inoo hirgalo, maxaa yeelay qaabkaas dadkeenu uma carbiyaysna dalkeenuna uma qaabaysna. Dhanka kale, waxa aynu nahay bulsho isugu dhex nool dadkii waawaynaa iyo kuwii yaryaraa, oo dadkii waawaynaa xanuunka u nugulyihiin.

Mudanayaal, maadaama dadkeenu u badan yihiin dhalinyaro, ayna dhici karto in ay xanuunka iska difaacaan, waxaan ku talinayaa in qorshaheenna koobaadi uu noqdo in aynu xoogga saarno qaybaha nugul ee bulshada sida: dadka da’da ah iyo bukaanka xanuunada culus qaba. Mudanayaal, waxaa ila habboon in dadkaan lagu booriyo in ay magaalooyinka waawayn uga baxaan tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha, taas oo laga yaabo in ay yarayso khatartii ay kala kulmi lahaayeen magaalooyinka.

Labo, mudanayaal, markii dawladaha Chine, Taiwan, Honkong, Japan, iyo South Korea oo ah dawladaha safka hore ee xanuunka xakameeyey ay dadkooda ku khasbayeen in ay afka xirtaan, WHO iyo hay’adda ka hortagga xanuunada faafaa ee Maraykanka CDC, labaduba waxa ay ku talinayeen in dadka xanuunsan oo kaliya ay afka xirtaan. Imminka markii la ogaaday in 25% -%50 dadka xanuunka qabaayi aanay wax calaamadaa aanay lahayn (daraasad ku aadan xanuunka oo lagu sameeyey dalka Iceland ayaa sheegaysa in 50% dadkii xanuunka laga helay aanay wax calaamada lahayn) xanuunkana fidinayaan, waxaa lagu taliyey in cid waliba ay afka xirato.

Mudanayaal, innaga oo ka duulayna muhiimadda uu “Afxirku” leeyahay, ogna koobnaanta awoodeenna iyo in aynaan heli karin Face Maski ay warshadi soo samaysay, haddii aynu helna na bulshadeenu aysan gadan karin, waxa aan ku talinayaa in dawaarlayaasha lagu booriyo loona jiheeyo in ay tolaan “afxirka”. Waxaa kale oo aan ku talinayaa in ragga lagu amro in ay afka cimaamdo ku xirtaan , dumarka na lagu booriya in ay niqaabka xirtaan.

Mudanayaa, waxaa haboon in magaalo walba laga abaabulo samafalayaal tabarucaad u aruuriya tolista “afxirka”, dadka muxsiniinta ah ee wax haystana lagu booriya in ay u gurmadaan maalgalinta tolista afxirka, si loogu qaybiyo inta nugul iyo danyarta.

Saddex, mudanayaal, markii ugu horraysey ee uu xanuunkaani ku faafay dalka South Korea meeshii ugu horraysay ee uu ka faafay waxa ay ahayd kaniisadda Shincheonji Church Of Jesus. Meeshii ugu horraysay ee uu dalka Iiraan xanuunku ka soo galayna waxa ay ahyd magaalo diimeedka Shiicada ee Qum. Halkii ugu horraysay ee uu Faransiiska ka faafayna waxa ay ahayd kaniisadda Open Door Church ee Mulhous. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in masaajidda oo ah meelaha ugu badan oo dadka ugu badani isugu yimaadaan, qorshe cad loo sameeyo.

Afar, mudanayaal, maadaama uu xanuunkaani yahay mid ka mida xanuunada faafafa, waxaa lagama maarmaana in la raadiyo cid walba oo aqoon ama takhasus u leh xanuunada faafa, si ay u bixiyaan talooyin ku aadan qorahayaasha ku habboon in la qaado. Sidoo kale waxaa habboon in la sameeyo guddi dhakaatiira oo uu garwadeen u yahay dhakhtar ku takhakhusay xanuunada faafa si ay u hoggaamiyaan dadaalada lagula dagaalamayo xanuunka.

Mudanayaal, waxaan idiin rajaynayaa guul, waxa aanaan aaminsanahay in tillaabooyinka aad qaadeen iyo kuwa aad qaadi doontaanba ay yihiin kuwo wiiqi doona fiditaanka xanuunka

Mohamed Ahmed Elmi.