Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 u qaabilsan Puntland ayaa Caawa shaaciyay in maanta oo keliya gudaha Puntland lagu karantiilay shan ruux oo looga shakiyay cudurka Coronavirus.
Warbixin ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in shanta ruux ee karantiilan lagu samayn doono baaritaan dibadda loo qaadayo islamarkaana natiijadiisa laga war-sugi doono si loo xaqiijiyo in ay xanuunka qabaan iyo in kale.
Sidoo kale guddigu waxay sheegeen in ay maanta booqdeen xarun laga hirgelinayo Shaybaar guud oo Puntland yeelanayso kaasi oo lagu baari doono xanuunno uu kamid yahay COVID-19
Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in bukaankii ugu horreeyay ee qaba xanuunka Coronavirus laga helay gudaha Puntland kaas oo aan dhowaan wax safar ah gelin.
Bukaanka laga helay xanuunka ayaa ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland halkaas oo uu haatan ku karantiilanyahay.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.