Puntland oo kordhinaysa xarumaha la tacaalidda COVID-19

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in magaalo kasta oo ka tirsan Puntland laga samaynayo xarun caafimaad oo uu la xiriiro qof kasta oo isaga shakiya xanuunka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka Coronavirus ayaa lagu go’aamiyay in magaalo kasta oo Puntland ku taalla laga sameeyo xarun caafimaad oo uu xiriir la sameeyo qofkii isaga shakiya xanuunka si xaruntaas u hagto qofka tallaabooyinka uu qaadayo.

Guddiga ayaa wada dadaallo kala duwan oo ku wajahan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus inkastoo aan weli degaannada Puntland laga soo sheegin kiisas la xiriira cudurkaas.

Waxaase xusid mudan in ay jiraan dad looga shakiyay xanuunka oo qaarkood laga waayay halka kuwa kalena haatan la sugayo natiijada baaritaankooda oo maalmaha soo socda la shaacin doono.

PUNTLAND POST