Muuse Biixi oo ka hadlay saddex arrimood

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, ka hortaga Covid1-19 iyo joojinta qaadka.

Muuse Biixi ayaa ugu horreyn hormuudka beelaha ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag ugu baaqaday in ay u guntadaan joojinta colaadaas, wuxuuna sheegay in waqti badan la geliyey xallinta colaadda deegaannada Ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay xanuunka halista ah ee Covid-19 iyo sida ay bulshadu uga hortegi karto, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha la isugu yimaado, si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka Covid-19.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tilmaamay inay xukuumadiisu ay furtay Sanduuq lagu ururinayo dhaqaale loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka Covid-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah oo dhan $3,000,000 (Saddex milyan oo doolar), taas oo ay ka jareen mashaariicda horumarka iyo gunnooyinka dowladda.

Sidoo kale ganacsatada iyo baayac-mushtarka ayuu ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka Covid-19, una damqadaan bulshadooda,

Ugu dambeyna Madaxweynaha Somaliland ayaa u jawaabay Dr. Goboose oo maalin ka hor xukuumadda Somaliland ku eedeeyey waxka qabasho la’aan qaadka ka soo qulqulaya Itoobiya oo qeyb weyn ka qaata faafitaanka Covid-19.

Muuse Biixi oo arrintaas ka hadlayna wuxuu sheegay inaan lagu joojin karin qaadka wax uu ku tilmaamay “laab la-kac iyo caaddifad”, balse lagu joojin karo go’aamo lagu midaysan yahay.

PUNTLAND POST