Militariga Soomaaliya oo AL-shabaab kala wareegay degaannada Bandhuub iyo Biilane ee gobolka Baay

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay la wareegeen degaanno ka tirsan gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay hawlgal dagaal kula wareegeen degaannada Bandhuub iyo Biilane oo ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Bandhuub iyo Biilane waxaa horay gacanta ugu hayay malayshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo isaga baxay halkaas kadib markii ay hawlgal military ku soo qaadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Hawlgalkaas ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii malayshiyaadka Al-shabaab looga durkin lahaa degmada Diinsoor oo ay go’doomiyeen kadib markii Al-shabaab jid-gooyo u dhigteen gaadiidka Raashinka iyo alaabta geeya degmadaas.

PUNTLAND POST