Jubaland oo shaacisay natiijada dad laga baaray xanuunka COVID-19

Guddiga dowlad goboleedka Jubaland u qaabilsan ka hortagga xanuunka COVID-19 ayaa shaaciyay natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay xanuunkaas.

Qofka laga shakiyey oo sida guddigu sheegay  ku sugan degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa baaritaanka natiijadiisu noqotay in laga waayay cudurka

Sidoo kale Guddiga ka hortaga Cudurka COVID19 ee Jubbaland waxaa ay sheegeen in markii hore qofkaas lagu arkey calaamaha xanuunka Coronavirus taasi oo keentay in baaritaan la mariyo

Guddiga ayaa dhowaan markii u horraysay shaaciyey in laba qof oo ku sugan magaalada Kismaayo laga helay xanuunka kuwaasi oo labaduba rag ahaa.

PUNTLAND POST