Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa bilowday qorshe lagu xakamaynayo fatahaad uu xilli roobaadyada sameeyo Webiga Shabeelle.
Wasiirka Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Xaaji Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay bilaabeen qorshaha looga gaashaamanayo fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo Webiga Shabeelle maadaama lagu jiro xilli roobaadkii gu’ga..
Sidoo kale Wuxuu xusay Wasiir Xaaji Cabdulle in qorshaha ugu horreeyay ee ka hortagga fataahada ay ka bilaabeen Xaafaddo ka tirsan Magaalada Jowhar.
Wasiirka Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle waxa uu shacabka ku dhaqan degaanada maamulkaas ka codsay in ay ka qeyb qaatan sidii looga hortegi lahaa fatahaada Webiga Shabeelle maadama la guda-galay xili roobka Gu’ga.
PUNTLAND POST