
Taliska Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya mamnuucay dhammaan isu-socodka Gaadiidka u kala goosha Gobollada iyo Gegmooyinka Puntland, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.
Qoraal ka soo baxay Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali, oo lagu socod-siiyay dhammaan Taliyaasha Qaybaha Booliiska Gobollada Puntland iyo shirkadaha Gaadiidleeyda, ayaa lagu sheegay in la mamnuucay isu-socodka Gaadiidka isaga goosha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.
Taliyaaasha Qaybaha Booliiska Gobollada Puntland, ayaa la faray in ay sida ugu dhaksaha badan u dhaqan-geliyaan Amarkaasi ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska ee lagu mamnuucay isu-socodka Gaadiidka Gobollada Puntland, si looga hortago faafidda Cudurka Coronavirus.
Sidoo kale, Taliyaasha Qaybaha ayaa lagu amray, in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo aan u hoggaansamin dhaqan-gelinta Amarkaas.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.