DFS oo xaqiijisay inay kordheen xaaladaha COVID-19 iyo tirada dadka u geeriyooday

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa xaqiijisay in laba ruux oo kamid ah dadkii uu ku dhacay COVID-19 ay geeriyoodeen, 19 xaalada cusubna ay soo kordheen.

Wasiirka ayaa sheegtay in guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaani ay noqdeen 135 ruux. Dadka gudaha dalka ugu geeriyooday cudurkaan guud ahaan ay tahay todoba ruux.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay warbixinteeda ku sheegtay inay socdaan qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in sida ugu habboon looga hor tago khatarta cudurkaan, waxayna bulshada mar kale ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), oo isna ka hadlay qorshaha xakameynta COVID-19 ayaa caddeeyay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19, lana diyaariyay kooxo gaar ah oo ka shaqeeya aasidda meydadka.

PUNTLAND POST