Barnaamij taakule dhaqaale lagu siin doono danyarta oo la daah-furay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Barnaamijkan ayaa la sheegay in wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysan doonaan 1.3 Malyan oo danyar ah oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka, isaga oo tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aaday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed.

“Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay daah-furka barnaamijkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo u ooman adeegyada dowladeed.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa la sheegay in laga hirgelinayo 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii. Dawladdu waxa ay maalgelin dhaqaale u sameynaysaa beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarka dalka.

PUNTLAND POST