
Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in maanta oo Jimce ah nawaaxiga degmadaasi is-rasaasayn kooban ku dhexmartay ciidamo ka wada tirsan Daraawiishta Puntland.
Saraakiil diiday in magacyadooda la xigto, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in is-rasaasayntu dhexmartay askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari dagaal kala soo baxsaday buuraleyda Galgala iyo ciidan kale oo kamid ah Daraawiishta, kuwaasi oo is-hor taag ku sameeyay, xilli ay marayeen nawaaxiga degmada Dangoroyo.
Is-rasaasaynta labada dhinac dhex martay, ayaa sida la xaqiijiyay waxa ku geeriyooday sarkaal magaciisa lagu sheegay Axmed Careef oo ka tirsanaa Istaafka Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere.
Balse, lama soo werin khasaare kale oo ka dhashay isku-dhacaas, waxaana dhammaan gacanta lagu dhigay askartii gaariga la soo baxsaday oo xabsiga loo dhaadhiciyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.