Muuse Biixi oo loogu baaqay in uu shuruud la’aan ku siidaayo Wariye Coldoon

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqaday mas’uuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo la xiray sanad ka hor maanta oo kale, isagoo adeegsanaya xuquuqdiisa xorriyadda hadalka.

Amnesty International ayaa ka walaacsan in saxafiga loo xiray adeegsiga Xuquuqdiisa Aadanaha uu hadda halis sare ugu jiro cudurka faafa ee COVID-19, siday ku sheegtay qoraal ka soo baxay maanta oo Jamce ah.

Madaxweynaha Somalilanld ayaa dhagaha ka furaystay baaqyo dhinacyo badan kaga yimid, oo la xiriira in xorriyadiisa la siiyo Wariye Cabdimaalik Coldoon.

1dii Abril 2020, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafiyay 574 maxbuus oo laga soo qabtay daafaha Somaliland oo uusan ku jirin Wariye Coldoon,

Coldoon oo ah Wariye madax bannaan, oo sidoo kale Safamale ah ayaa 17 April 2019 lagu xiray magaalada Burco.

Coldoon oo kaliya maahan wariyeyaasha hadda gudaha Soomaaliya ugu xiran xuquuqda hadal, iyadoo hadda uu adduunka fara kulul ku hayo masiibada Coronavirus, waxaa iyaguna Muqdisho ku xiran wariyeyaasha Cabdicasiis Gurbiye iyo Maxamed Abuuja.

Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii Feebaraayo ee sanadkan ku sheegtay in weerarada, hanjabaadaha, dabagalada iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaaliya, oo ah meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda waxay sheegtay in tan iyo (2017) ay diiwangelisay dhibaatooyin isugu jira hanjabaado, kadeed, cabsi gelin, jirdilo, dilal, isku day dil, xarig aan sabab lahayn, dhaleeceyn kale iyo xayiraado helitaanka macluumaadka oo suxufiyiinta ay u getstaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Al-shabaab.

Soomaaliya ayaa kow ka ah dalalka aan la maxkamadayn kuwa dhibaateynta u geysta saxaafadda.

PUNTLAND POST