Hirshabeelle oo joojisay dhammaan duullimaadyada Rayidka ah

Dowlad goboleedka Hirshabelle, ayaa shaaciyay in ay  hakiyeen dhammaan duulimaadyada Rayidka ah, ee tegi jiray magaalooyinka maamulkaas Hirshabeelle.

Qoraal ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa lagu shaaciyey in la joojiyay dhammaan duullimaadyada rayidka ah ee aada magaalooyinka Hirshabeelle.

Balse, waxaa qoraalka lagu sheegay, in duullimaadyada gurmadka iyo samafalka ah ee Qaramada Midoobay iyo AMISOM ay u fasaxan yihiin degaannada Hirshabelle, islamarkaana sidii hore u sii socon doonaan.

Sidoo kale, Hirshabeelle waxay sheegtay in aysan ogolaan doonin duullimaad aan fasax ka haysan maamulkooda.

PUNTLAND POST