
Culimaa’udiinka maamula masaajidda ku yaalla degaannada Puntland, ayaan maanta oo jimce ah u hoggaansamin, dhaqan-gelinta amar ka soo baxay dowladda Puntland, oo lagu joojiyay salaadaha Jameecada iyo jimceyaasha, si looga hortago faafidda xanuunka COVID-19.
Go’aanka xukuumadda Puntland oo soo baxay 15-kii bishaan April 2020, ayaa lagu joojiyay dhammaan salaadaha jameecada iyo jimceyaasha masaajidda degaannada Puntland, si looga gaashaanto faafidda cudurka Coronavirus.
Maanta oo ku beegan Jimcihii u horreeyay, ee la doonayay in la dhaqan-geliyo amarkaasi dowladda, waxa ka biya-diiday culimaa’udiinka masaajidda, kuwaasi oo si isku mid ah salaadda jimce uga oogay masaajidda kala duwan ee ku yaalla Puntland.
Qaar kamid ah culimada masaajidda, oo jimcihii maanta ka hadlay sida ay u arkaan go’aanka dowladda, ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarkaas, ilaa kiisaska u horreeya COVID-19 laga helo gudaha Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.