Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka jawaabtay eedeymo kufsi oo loo jeediyey Askar

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo gaartay dacwad eedeyn ah, oo la xiriirta labo dhabdhood oo dhawaan kufsi loogu geystay degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay baaris ku wado kiiskaas, ciddii ay ku cadaato eedeyntaasina la marsiin doono ciqaabta ay mudantahay.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa cambaaraysay falkaas, waxayna xustay in aan cidna loogu dulqaadan doonin ficilada foosha xun ee noocaas oo kale ah, islamarkaana la horkeeni doono caddaaladda kuwa geysta falalka arxan darrada ah.

Askar ka tirsan ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya, oo ku sugan degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa maalmo ka hor lagu eedeeyey in ay halkaas ku kufsadeen gabar yar iyo haweeney xaamilo ahayd.

Waxaa la sheegay in gabadh 13-jir ah ay ciidan xoog kaga wateen gudaha degaanka Janaale, kadibna ay kufsi u gaysteen.

Sidoo kale, waxaa la soo wariyey in haweeney xaamilka ah ay saddex askari oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay gaari kala dageen, kadibna kufsi u gaysteen.

PUNTLAND POST