Soomaaliya: Maxaad ka ogtahay jinsiga, da’da iyo magaalada ugu badan ee laga helay Covid-19?

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa caawa ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay ee Covid-19.

Wasiir Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay tan iyo intii la howlgaliyey shaybaarka Qaranka 7-April 2020 la baaray 186 qof oo looga shakiyey Covid-19, lagana helay cudurkaas 80 ruux.

80-ka qof ee laga helay Covid-19 ayey Wasiirka Caafimaadku tilmaantay in 70 ka mid ah yihiin lab ama rag, hal 10-ka kalana yihiin dhadig ama dumar.

Sidoo kale dadka ugu badan oo cudarkan laga helay ayaa Wasiir Fowsiyo xustay in da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 40 jir, kuwaas oo ah 60% bukaanka la xaqiijiyey.

Bukaanadda la xaqiijiyey ayaa in ka badan 90% ay ku nool yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaas oo ah 73 qof.

Ilaa iyo 47 qof ayaa maanta baaritaan lagu sameeyey, kuwaas oo natiijadooda la heli doono berri oo Jamce ah, sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

PUNTLAND POST