Galmudug oo Iskuul jabiyey awaamiirta Covid-19 kala noqotay ruqsada

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa ruqsadii dugsinimo kala noqotay dugsiga ay sheegtay inuu jabiyey awaamiirta ka hortagga Covid-19.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarshada Galmudug ayaa lagu sheegay in aqoonsigii dugsinimo lagala laabtay dugsiga Ablaal, faracyadiisa Dhuusamareeb iyo Guriceel, sababo la xariira inuu mudadii dugsiyada Galmudug xirnaayeen uu daraasadda si caadi ah u watay, hadana uu imtixaan ugu yeeray fasalka 12-aad, iyadoo lagu guda jiro ka hortagga faafitaanka cudurka Covid-19.

Wasaaradda Waxbarshada Galmudug waxay kaloo digniin u dirtay dugsiyada kale, in aysan jabin awaamiirta Wasaaradda ee ka hortagga cudurka Covid-19.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaaradda Waxbarshada Galmudug.



PUNTLAND POST