Bandow xalay ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho

Taliyaha Booliiska dowladda Federaalka SoomaaliyaJeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu magaalada Muqdisho ka dhaqan-galay, Bandow ay xilliyada Habeenkii ah ku soo rogtay dowladda si looga hortago COVID-19.

Waxaan doonayaa in aan mar kale ku wargeliyo shacabka Soomaaliyeed, in uu dhaqangalka bandowgu uu bilaabanay caawa 8:00 haddii Alle idmo, sidaas darteed waxaan muwaadiniinta sharafta leh fareynaa in ay u hoggaansamaan”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska oo xalay warbaahinta la hadlay

Gen Xijaar ayaa sheegay in uusan bandowga saameyn doonin, xarumaha caafimaadka, goobaha lagu iibiyo raashinka qalalan iyo saxafiyiinta oo uu sheegay inay Ummadda u hayaan shaqooyin muhiim ah. Isagoo ciidanka ka dalbaday inay caawiyaan bukaanada xanuun ee doonaya in la geeyo goobaha caafimaadka.

PUNTLAND POST