Al-shabaab oo dil-wadareed ka fulisay degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose

Kooxda Al-shabaab ayaa Arbacadii Shalay Dil-wadareed ku fulisay, lix nin oo ay ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya, Jubaland iyo  Koonfur Galbeed.

Al-shabaab ayaa raggaas ku laayay fagaare ku yaalla degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose, kadib markii maxkamadda Al-shabaab ee Jamaame ay amar ku bixisay in dil-wadareed lagu fuliyo, maadaaama ay ku eedaysay basaasiin.

Kooxda ayaa dadka degaanka oo ay ku jiraan carruur iyo haween, waxay ku amartay in ay u soo daawasho tagaan qaabka loo fulinayo dil-wadareedka, si loogu cabsi geliyo falkaas argagaxa leh.

Warbaahinta Al-shabaab, ayaa saddex kamid ah shakhsiyaadka dil-wadareedka lagu fuliyay, waxay magacyadooda ku sheegtay Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, Maxamada Iidow Aadan iyo Cusmaan Cabdulle Afrax oo dhammaantood Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Maxamed Iidow Aadan iyo Hilowle Bashiir Aadan oo kamid ah ragga la toogtay, ayay Al-shabaab ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halka Xassan Hafow Saney ay ku eedaysay in uu ka tirsana Sirdoonka Jubaland.

PUNTLAND POST