Soomaaliya: Tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu ku dhacay Covid-19 oo korortay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay 20 xaalad iyo 3 geeri oo Covid-19.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee damabaysay ay soo kordheen 20 xaaladood oo cusub, balse lama sheegin dadkaasi meesha ay kaga sugan yihiin dalka.

“Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24-kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19, 80 xaaladood” ayaa lagu qoraalka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay geeriyoodeen 3 qof oo ka mid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay Cocid-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa bulsahda kula dardaarmaysa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan.

PUNTLAND POST