Puntland oo joojisay Jimcaha iyo Jaamacada Masaajidda

Puntland ayaa kordhisay bandowgii saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland, sidoo kale soo rogtay awaamiir cusub.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar garowga iyo ka hortagga Covid-19 oo Guddoomiye u yahay ku shir guddoomiyey hab maqal iyo muuqaal ah.

“Waxaan galabta qaab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Waan bogaadinayaa illaa iyo hadda shaqada socota, oo runtii aan ku ammaanayo guddi hoosaadka sida joogtada ah ee ay shaqada u wadaan tan iyo markii aanu howshan bilownay. Halista Cudurkan waa mid ka muuqata adduunka iyo sida uu u saameeyay, sidaasi darteed ka Dowladd ahaan si aan dadkayaga u badbaadino waxaan goor horeba bilownay oo xoogga saarnay wacygelinta iyo ka hortagga cudurkan” ayuu madaxweyne Deni ku yiri qoraal ka soo baxay .

Madaxweynaha Puntland ayaa qoraalkiisa ku sii yiri “Dadweynaha Puntland anoo ku amaanaya siday ugu hoggaansameen awaamiirta Dowliga ah, waxaan hadana ugu baaqaya in ay qaataan talooyinka Hay’addaha Caafimaadka”.

Kulanka waxaa kasoo baxay in muddo kordhin bandow la sameeyay, waxaana lagu kordhiyey muddo 14 cisho in uu sii socon doono bandowga saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland.

Waxaa sidoo kale la joojiyey Jimcaha iyo Jaamacada in Masaajidda lagu tukado si loo illaaliyo badqabka caafimaad ee dadka.

PUNTLAND POST