Jubaland oo dhaqan-gelisay Bandow habeenkii ah si looga hortago COVID-19

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhaqan-gelisay Bandow ay xiliyada habeenkii ah ku rogtay degaannada dowlad goboleedkaas si loo xakameeyo faafida Cudurka Coronavirus oo kiisaskii u horreeyay laga helay magaalada Kismaayo.

Guddiga ka hortaga Cudurka COVID-19 ee Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa go’aamiyay in deegaanada dowlad goboleedka Jubaland lagu soo rogay Bandow habeen kasta ka bilowda lixda makhribnimo kuna eg lixda subaxnimo.

Sidoo kale kulanka Guddiga ayaa waxaa ka qeyb galay laamaha amniga Jubbaland waxaana inta uu socday lagaga looga hadlay dhaqan gelinta amrkaas iyo guud ahaan awaamirta uu guddigu shaaciyay ee la xiriira Cudurka Coronavirus.

Bandowga ayaa si rasmiya u bilowday habeenkii xalay isagoo ka dhaqan-galay magaalada Kismaayo iyo degaannada kale ee Jubaland sida laga soo xigtay Laamaha Amniga dowlad goboleedka Jubaland.

PUNTLAND POST