Gen Dirir oo kormeeray wadada xiriirisa Buufow Bacaad iyo Jannaale oo dib loo furayo

Taliyaha ciidanka dhulka ee Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa kormeeray wadada xiriirisa Jannaale iyo Buufow bacaad ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay ka socto shaqo dib loogu furayo wadadaas.

Wadadaan ayay Al-shabaab jareen ka hor intii aan laga saarin degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose balse hadda ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxay ka wadaan hawlgallo furitaan ah si ay dadweynuhu u adeegsadaan

Taliyaha ciidanka dhulka Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa bulshada degaanka ku war geliyay  in dhowaan wadadaasi dib loo furi doono isagoo sheegay in AL-shabaab ay ku fashilantay in ay go’doomiyaan shacabka.

PUNTLAND POST