Alle ha u naxariistee, waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday fannaankii weynaa Cumar Cabdulle Shoolli, oo ka tirsanaa Hoobaladii Qaranka ee Waaberi.
Marxuumka, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaa geeridiisa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno qoyskiisa ah.
Fannaanka, oo laba sano ka hor ka soo laabtay dalka dibaddiisa, ayaa ku xanuunsaday gudaha magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula noolaa carruurtiisa, isagoo todobaadyadii u dambeeyay isbitaalka yaalllay.
Wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray qoyskii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cumar Shoolli.
PUNTLAND POST