Dowlada Soomaaliya oo lacago u fasaxday dowlad goboleedyada dalka si loogu adeegsado ka hortaga COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xalay guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Heer Federaal ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay khadka Internet-ka, ayaa wasaaradda Maaaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Khayre ayaa laga soo xigtay Ra’iisul wasaaraha in uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka Cudurka Coronavirus.

Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee degaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

PUNTLAND POST