Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in loo gargaaro dadka danyarta ah ee uu saamaynta xooggan ku yeeshay xanuunka Coronavirus.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amarkaasi bixiyay, kadib markii uu shir-guddoomiyay Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga heer Federaal ee ka hortagga Covid-19, kaasi oo looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale.
Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah.
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre, ayaa faray wasiirrada
Qorsheynta, Gargaarka iyo Arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul.
sidoo kale, wuxuu guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo.
PUNTLAND POST