Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday canshuur dhaaf

Dawladda Soomaaliya Federaalka ayaa canshuur dhaaf u sameysay cunnada quutul daruuriga, si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, oo aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid-19.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caawa shaaciyey in Raashinka canshuur dhaafka loo sameeyay uu kamid yahay Bariiska iyo Timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, (canshuur la’aan) halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%.

Canshuur dhaafka ayaa billaabanaya sida uu sheegay Wasiir Beyle 15-ka Abriil, 2020, oo ku beegan berri oo Arbaco ah, wuxuuna socon doonaa muddo saddex billood ah, kadibna hadba xaalku sida uu noqdo waxaa lagu sameyn doonaa dib u eegid.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaacisay in ay dhiirri gelineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beereysiga si uu qayb uga noqdo dadaallada lagu baadi goobayo isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysanayso dhaqaalaha wadanka maadaamada uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xeroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga.

Wasiir Beyle ayaa bogaadiyay dadaallada madaxda sare ee lagu raadinayo dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xoogga leh ee ku soo fool leh dhaqaalaha waddanka ee uu sababi karo xanuunka Covid-19.

PUNTLAND POST