Warqad hadal hayn badan dhalisay oo galaafatay Tifaftirihii Telefishinka Qaranka

Warqad xayeysiis ahayd oo hadal hayn badan dhalisay, ayaa sababtay in xilkii laga qaado Tifaftirihii Telefishinka Qaranka Soomaaliya.

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa xilka looga qaaday Tifaftirihii TV-ga Qaranka Faysal Muuse Maxamed, waxaana lagu shaaciyay wareegtada in TV-gu uusan qaadaneyn shaqaale cusub ilaa amar dambe.

Tifaftirihii TV-ga Qaranka, Faysal Muuse

Faysal Muuse Maxamed ayaa sida wareegtada ku qoran lagu eedeeyey inuu sameeyey qaab aan waafaqsanayn habka maamulka, markii sida la sheegay uu ereyo aan lala ogeyn ku daray oo baahiyey warqad qabyo ahayd, oo markii hore ay wada diyaariyeen isaga iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka.

Sidoo kale wareegtada waxaa lagu sheegay in Tifaftiraha xilka laga qaaday la marsiin doono tallaabada anshax ee ku haboon.

Dhanka kale qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Faysal Muuse Maxamed ka hor inta aan la baahin warqadda xilka qaadista ayuu ku sheegay in uu iscasilaad u gudbiyey madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Cabdinaasir Daahir Sabriye ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Tifaftiriha Telefishinka Qaranka Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 11-kii bishan dhaleeceyn kala kulantay qoraal xayeysiis shaqo ahaa oo labo wariye oo haween ah loogu rabay Telefishinka Qaranka.

Laba ka mid ah shuruudaha shaqada ayaa dadku aad uga falceliyey, kuwaas oo ahaa in haweenayda loo baahan yahay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab Talefishin iyo sidoo kale in ay leedahay hub-qad wanaagsan.

Kadib markii khuburo saxaafadeed iyo dad kale ay aad uga falceliyeel qoraalkaas oo loo arkay takoor, ayaa saacado kadib Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya dib u saxsay qoraalkeedii.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa qoraal uu maalintaas soo saaray ku sheegay in uu ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha ka raalli-galinayo wixii khalad ahaa ee ku jiray qoraalkaas.

Hoos ka eeg wareegtada xilka qaadista Tifaftirihii TV-ga Qaranka.

PUNTLAND POST