Somaliland oo laga helay kiisas horleh oo ah Covid-19

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in saddex xaaladood oo horleh, oo Covid-19 ah laga helay degaano kamid ah Somaliland.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa maanta shaagay in saddex bukaan laga helay xannuunka Covid-19, kuwaas oo labo kamid ah ay ku noolyihiin magaalada Hargeysa, halka kankale uu ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasiir Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa xusay in saddexdan qof oo kamid ahaa afar iyo labaatan qof oo baaritaan loo diray, ay hadda xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay.

Somaliland ayaa horey u sheegtay in ay hayso labo xaaladood oo Covid-19 ah, waxayna hadda tirada guud ee dadka xannnuunkaas laga helay noqonaysaa Somaliland shan qof oo mid kamid ah yahay Ajnabi.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa xannuunka Covid-19 laga helay dad ku dhow soddon qof oo intooda badan ku sugan Koofurta Soomaaliya, waxaana u geeriyooday labo kamid ah oo mid yahay Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Gudaha Soomaaliya wali laguma baaro xanuunkan, waxaana bukaanada looga shakiyo dhacaankooda loo diraa dalka dibadiisa.

PUNTLAND POST