Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa xalay shaaciyay in laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah April 15 2020 in magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo kuna eg 05:00 Subaxnimo, si looga hortago faafidda COVID-19.
Taliyaha Ciidanka Booliiska, waxa uu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.
Gen Xijaar, ayaa tilmaamay in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafidda cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandowgaas.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidamada amniga la faray, in ay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah la soo gudboonaadaan ay u fududeeyaan in la geeyo goobaha caafimaadka, si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin.
PUNTLAND POST