Madaxweyne Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah  maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa guddoomiyaha gobolka Nugaal lagu magacaabay Cawil Axmed Jabuuti halka ku xigeenkiisa kowaad loo magacaabay Qaasim Maxamed Cabdi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka ayaa loo magacaabay Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed sida ku xusan dikreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowaan qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) islamarkaana uu weli socdo baaritaanka la xiriira cidda ku lug lahayd qaraxaas.

Hoos ka akhriso dikreetada magacaabista

Garoowe : 13 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal2.

Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

PUNTLAND POST