Kiisas horleh oo COVID-19 ah oo laga helay magaalada Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo xalay warbaahinta la hadashay ayaa xaqiijisay in shalay oo keliya 4 kiis oo coronavirus ah laga helay magaalada Muqdisho.

 Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu hayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.

Wasiir Fowsiya waxay ku celisay in xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda sidaa darteed ay muhiim tahay in la raaco fariimaha iyo talooyinka caafimaad ee ay kamidka yihiin in guryaha la joogo.

4-ta kiis ee ay xalay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa guud ahaan kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Soomaaliya waxay ka dhigaysaa 25 kiis kuwaas oo 2 kamid ah ay u geeriyoodeen xanuunka.

PUNTLAND POST