Dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay in Isniintii maanta oo keliya la diiwaan geliyay 35 xaalad oo cusub oo COVID-19.
Xaaladaha cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay hal ruux oo keliya.
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.
52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan guryahooda, seddax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.
Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.
PUNTLAND POST