
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa si rasmiya u xaqiijiyay geerida wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle.
Marxuum Khaliif Mu’min Tooxow ayaa noqday qofkii labaad ee Soomaaliya ugu geeridooday cudurka Coronavirus islamarkaana ah mas’uulkii ugu horreeyay ee xanuunkaas ugu dhintay gudaha dalka.
Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Tooxow.
Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa markale shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaatan fariimaha wacyigelinta si looga hortago faafidda Cudurkaas safmareenka ah.
Marka laga soo tago laba ruux ee u geeriyooday xanuunka Coronavirus waxaa ilaa iyo haatan la diiwaan-geliyay ilaa 21 kiis oo dhammaantood laga helay magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.