Dacwad lagu soo oogay mas’uuliyiin dowladeed oo lagu eedeeyey hurin colaad

Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, G. Wanlaweyn

Maxkmadda Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya oo hoggaaminaysay Guddi dowladda Federaalka u saartay colaaddii Wanlaweyn ayaa dacwad ku soo oogtay mas’uuliyiin dowladeed oo lagu eedeeyey in ay huriyeen colaaddaas.

Maxkamadda ciidamada ayaa amartay in la kaxeeyo Guddoomiyihii degmada Wanlaweyn oo shaqo joojin lagu sameeyey Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, isla markaana Booliska Soomaaliya ay ku sameeyaan baaritaan dhameystiran, doorkii uu ku lahaa gaboodfalyadii Wanlaweyn.

Sidoo kale Maxkmadda ciidamada ayaa hay’adda baarista Booliska Soomaaliya (CID) qeybaheeda Muqdisho iyo Baydhabo ka dalbatay in ay furaan dacwad cinqaabeen lid ku ah xildhibaannada kala ah Aadan Cabdi Faarax Kaladire oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, Mayow Mustaf Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Maxamed Taraafik oo ka tirsanaa xildhibaannadii hore Koonfur Galbeed, kuwaas loo heysto in ay ka qeyb ahaayeen dagaalladii iyo gaboodfalyadii ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka loo heysto dagaalkii Wanlaweyn abaanduulaha qeybta 7-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Salaad Tifow, kaas oo lagu amray in uu horyimaado xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sidda.

Colaaddii Wanlaweyn waxaa ku geeriyooday dad ka badan 20 ruux, sidoo kalana waxaa ka dhacay gaboodfalyo ay ka mid yihiin kufsi, dhac iyo barakac.

PUNTLAND POST