Booliiska Puntland oo Xirmooyin Qaad ah ku gubay Degaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen Degaanka Ceeldaahir ee gobolka Bari waxay ku soo qabteen Xirmooyin Qaad ah oo la doonayay in si Qarsoodiya loo soo geliya gudaha Puntland.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa jaadkaas xirmooyinka ah ku gubay fagaare ku yaalla Degaanka Ceeldaahir kadib markii Booliisku ay ku soo qabteen hawlgal ay Degaankaas ka fuliyeen.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud  oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha jaadkaas lagu gubay ayaa digniin adag u jeediyay dadka weli ku hawllan in ay jebiyaan Amarka dowladda kuwaas oo qaadka si sharci-darro ah ku soo geliya gudaha Puntland.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto iyagoo si dhuumasho ah Qaad ku soo geliyana Degaannada Puntland.

Sidoo kale wuxuu digniin taas lamid ah u diray ciidamada ku sugan Kantaroollada waxaana uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono askarigii lagu helo in uu fududeeyay soo gelinta iyo kala-gudbinta Qaadka sharci-darrada ah.

PUNTLAND POST