Wasiir raalli-galin ka bixiyey qoraal buuq dhaliyey

Mid ka mid ah Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa raalli-galin ka bixiyey qoraal buuq dhaliyey oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in uu ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha uu ka raalli-galinayo, wixii khalad ahaa ee ku jiray qoraalkaas.

Wasiir Aadan Isaaq

Sidoo kale Wasiir Aadan ayaa xusay in
talaabo anshax marin ah laga qaaday cidii ku lug laheyd qoraalkaas.

“Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo si gaar ah Gabdhaha Soomaaliyeed uga raalli-galinayaa wixii khalad ahaa ee ku jiray warqadii sida khaldan loo geliyey Warbaahinta iyadoo aanay ogoleyn Madaxda Wasaaradda, waxaa talaabo anshax marin ah laga qaaday cidii ku lug laheyd” ayuu ku yiri qoraalka Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhaleeceyn kala kulantay qoraal xayeysiis shaqo ah oo labo wariye oo haween ah loogu rabay Telefishinka Qaranka.

Laba ka mid ah shuruudaha shaqada ayaa dadku aad uga falceliyey, kuwaas oo ahaa in haweenayda loo baahan yahay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab Talefishin iyo sidoo kale in ay leedahay hub-qad wanaagsan.

Kadib markii khuburo saxaafadeed iyo dad kale ay aad uga falceliyeel qoraalkaas oo loo arkay takoor ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya dib u saxsay qoraalkeedii, balse raalli-galin toos ah kama bixin, marka laga reebo hadalka Wasiir ku xigeenka.

Hoos ka eeg labadii qoraal ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya



PUNTLAND POST